MURTI IYO MAAWEELO
HOMEMAQAL GABAYADAHEESAHA KAYDBLOGLINKS
July, 2010
January, 2012
BLOG
RSS
MUURMUURIS 2
1/8/2012 5:49:59 AM
WAA GABAGII LABAAD EE KU SAABSANAA SUUGAANTII OO CABANAYSA KANA HADLAYSA SIDA FOOSHA XUN EE LOO TIRIYO IYO DADKII OO HEESIHII HORE LOO TIRIYEY CANJILAYA HALKII AY WAX CUSUB KEENI LAHAAYEEN 
SUUGAAN MID BAA NOO XIDHNAA MAALINTII HORE
MAANTANA HALKAY ILA MARTAAN MIISKA DHIGAYAAYE
MARA LI'I SIDII BAY U TAHAY AAN MARRIIN HELINE
AAN MARIYO MAHADHAY QABTAA MAARO LOO HELINE
WAXAY TIDHI MARKHAATAAD AHAYD MUDANE DOORKIIYE
MAYDHAANKA WAA TAAN LAHAA IMA MAQLAYSAANE
SIDII BAAN MADLUUN UGU JIRAA MURUGO TIICAAYE
MOODHAAQDA AY TIRINAYAAN WAYSKA MARIYAANE
NIN WALIBA INUU MUUQDO BUU MAANKA KU HAYAAYE
MAGACAYBE MAANTANA HADDII LAY MAKEEKIYAYE
MARABOOBTA YAA IGA FURFURA MARADA II JIIFTA
 
NIMAAN MEHERKU II QABAN AYAA LAY MAXLALAYAAYE
YARKII MAARAROOBAAYA EE MULAC KU QOOQAAYA
IYO MAWDKA KAA FILANAYAA WAABA KALA MAANE
MASRAX LAGU CAYAARAAN NOQDOO LAYSU MARAYAAYE
MIDHAHAA JAJABAN HEESAHAA LAYSKA MARINAAYO
MULAAQ HADALKA MIINLEY LA DILAY MEERISYADA LIITA
MACNAYARI MURTIDA GAABATIYO MU’ALIF KAA SHEEGTAY
MUKULAASHA HEESTIYO TUKAHA MEEL I FADHANAAYA
MOORYAAN I KALA JIIDATIYO GABAY MICIIN WAAYEY
MICIYAHA DHURWAAGIYO ANOO MALAW I LEEFAAYO
MIIDAAME GEERAARAYAA LOO MASHXARADAAYE
MALOOLIGA HADDII LAYGU DARAY MEEL XUN BAAN AHAYE
MIINLEYDA NIMANKII KUFSADAY WAABA MAQASHAANE
MASIIBAA WAKHTIGU IGU SALLIDAY MEESHA LAY DHIGAYE
KU MERGEDA WAXAY TIRINAYAAN MAANSO KALE DHEERE
 
MASAHII FANNAANNIMO NIMAAN MAWLE KU ABUURIN
 
OO KUU METELEY RUUX KALAA MIDIG LA SIIYAAYE
 
NIN WALIBA WUXUU SOO MACMALAY MAGAC KA DOONDOONYE
 
ISU MARE MAGOOL SHEEGATIYO MOOGE KAA JILAYE
 
WAA TAA MARCELIS HEESIHII MAXAMED QAADEENE
 
MASKAXDIYO ADOON QALI AQOON MADAXA HOOSTIISA
 
AMMA AAN CALOOLAHA MARMARAN MAYDHAQYADA JEEXIN
 
MINDIYAHA HADDAAD QAADATOO MAQAS LAGUU DHIIBO
 
OO MURUQA KALA XAABISIYO XIDIDADII MUUQDAY
 
MERGIYADA ADAA JARAY NINKAA MEESHA KUU WADHANE
 
ANIGANA MASAAR LAYLA DHACAY MURUQ I NAAFOWYE
 
YAA MAGTAYDA RAADSADA ANUU MEYD DHINTAAN AHAYE ?
 
 
MEEL KALE HADDAAN FIIRIYOO MAWJADAHA BAADHO
 
OO AAN HALKII LAYGA MUDAY MILILKA SIIDAAYO
 
OO AAN NINKAAN MAAGANAA MEESHA KU CADDEEYO
 
MADHAACAYNTA HEES AAD MARTIDAY KUUMA MEELMARINE
 
ADIGOO MARTIDA KUU FADHIDA MAGANE SOORAAYE
MADADAALI LEEDAHAY DADKAA MEESHA KULA JOOGA
OO MUUSIGGII HORE U JIREY KALA MACNAYNAAYA
MAAL UU NIN KALE LEEYAHAAD MACASHA HAYSAAYE
MISIGTII NIN KALE FEENTAY BAAD MARAQ KA DOONTAAYE
MOQORKII NIN KALE HEENSADAAD MAAX KA FILATAAYE
MASLAHA NIN KALE QAADAN JIREY MEEL HA SOO DHIGANNE
MARWADII NIN KALE GUURSADAAD MIDIGTA HAYSAAYE
TUUGOW MAREEGAALE BAAN KUU MALDAHAYAAYE
 
GOORTAAD MULLAAX DIIRATEE MUUDKA KA IDLAYSO
WAA MAYDHAX WAXA SOO HADHAA LAGU MURAATAAYE
HADDAAD MUUDSO LEEDAHAY CIDLAAD MALAFSANAYSAAYE
WAA TAA MURIYADDII LA SUDHAY MIIC HADDAY TIDHIYE
ANIGOO MACAANAA HADDAA MUUDSATEEN DACARE
ISKA MADADIYAAY WAA DAMBAA MURANKU DHEERAANNE.
 
 
HAWLGAB MA JIRO
7/20/2010 4:02:26 AM

MAXAA SOOMAALIDA LOOGA WAAYEY SIYAASI HAWLGABAY (RETIRED).

Weli ma maqasheen nin hoggaamiye ka  noqday dhulkeenna hadday tahay Suldaan qolo hoggaansha, Boqor ku sheeg, Madaxweyne, wasiir amma oday talada la weydiiyo oo HAWLGABAY (Retired). Waxa jirta in dadku markay gaadhaan da’ weyn uu dareenka jidhka, fikirka maskaxda iyo maanka, awoodda muruqyada , maqalka iyo dhaayuhuba shaqadooda gabaan  qofkuna tamar beelo da’da awgeed oo aanay si wada jir ah u shaqayn xubnaha jidhku. Halkaas marka la gaadho, waxa dhacda in qofku hawsha uu hayey ka fadhiisto kuna wareejo mid ka yar oo ka firfircoon maskax caafiid qabtaana ku jirto isla markaa la socda wakhtiga la joogo, asna waxa uu ku caawiyaa wixii uu waayo aragnimo noloshu soo bartay si ay shaqadu ugu fududaato. hawlgab waa laga waayey Soomaalida illaa wedku ugu yimaaddo amma khasab lagaga qaado hawsha bulshada waxaanay la god galaan aqoontii ay soo heleen intay noolaayeen ayaga oo aan cid wax ka barin amma way la asaasaqaan ayga oon laga baran. waxaad arkaysaa odayaal xiskoodu gaboobay xanuunno u dheer yahiin isla markaana talo iyo arrin la weydiiyo ayaga oo habeen iyo maalin mid ay joogaan kala aqoon. Qaar ayey da’doodu ka weyn tahay 80 sano iyo wax ka sarreeya.

  

  

  

  

BOQOR IYO SULDAAN
7/20/2010 3:58:36 AM

REER WALIBA ISAGA OO REERKA KALE KU DAYANAYA AYAA MAANTA LA CALEEMO SAARAA SULDAAN AMMA BOQOR HABEENKOODI ADDUUNKA KALE KA DUMAY.
" QUSHI HAYLA YAABTEE WAXA JIRA WAANAN QARINAYNIN"

Beryahan waxa soo baxay in hor u mar la mooday in suldaanno cusub la caleemo saaro oo lagu noqdo casrigii jaahiliga ee la soo dhaafay. Reer waliba ma soo saaray suldaan iyaga oo aan isweydeen adduunku halkuu marayaa. 

Suldaan, Boqor, Caaqil, Ugaas ama Malaaq kuma laha meel adduunka aan ku noolahay waxa weli aamminsan dib u socod iyo umadaha aan weli baran sida laysu hoggaamiyo.

Nimankaas aan kor ku sheegay waxay talada hayeen amma dadka hoggamin jireen intii aan aadamigu gaadhin habka dawladeed, markii la aasaasay waxa dawlad la yidhaa oo baarlimaan iyo madaxweyne talada qabto waa laga maarmay raggaas. Kuwaas oo ahaa ayagu maxkamadda,askariga,wasiirka amma taliyaha la daba socdo berigii hore.Sidee ummadi isu xukumi kartaa marka suldaankii ninka baarlimaanka ku jira amma madaxweynaha garab cararo, yaa amarka laga qaataa ma suldaanka mise dawladda.Waxa u daran oo aad arkaysaa beelaha oo maanta caleemo saarkii odayaasha wada oo raadkoodii dib u guraaya halkii ay qabiil ka fogaan lahaayeen oo adduunka raaci lahaayeen. Waxa ah mid lagu qoslo markaad aragto warqad furan oo ay soo saareen beesha reer hebel amma suldaankii oo ummaddiisa la shiraya asaga oo aan danta guud wadin ee mid qoys ka hadlaya. waa ayaan darro.

Bal ila eega gabaygan:

 

 

Anigaa qalaadaaya oo qaylo taag bidaye
Qabyadii sidii aan u waday layla qaban waaye
Maantana waxaan qoonsadaan soo qadimayaaye
Kolley qaadanmaysee murtida waan u qubayaaye
Qushi hayla yaabtee waxa jira waanan qarinayne
 
Taariikhdu waa soo qorrayd taniyo Qaabiile
Wixii qalinka lagu weeraree qaafka lagu sheegay
Ma qalalin halkii lagu qarradhay qaabka nololeede
Qasnadaha waxaa lagu hayaa waa qalfoof hore e
Quraankaaba lagu sheegayaa qoonki nebi Nuuxe,
Qubuuraha kuwaa baadhayee qararka jeexaayey
Qoloftii Fircooniyo ka hele qaar horoo jiraye
Quruumii horee tegey haddaa qaar la soo fagaye
Qaaruun halkuu seexan jirey waaba qodayaane
Qalabkaynnu wada haysannee kuu qotomoy hoyga
Soo qode qabaal iyo sibraar qori fandhaalkiiye
Qorroggii waxaa loogu tegey qalanqal hoosaade
Qalabkaa gaboobiyo raggay daba qamaamayso
Waa quufla sheekada jirtiyo shay qaddiimiya e
Qarbad wuxu la noolaa SULDAAN qolo xormaysaaye
Boqorradan qardaafaaya ee qolo ku xoomayso
Qabqablaha Ugaas iyo Garaad qudhaca loo xaadho
Qaansadiyo leebkii intaan qori la soo saarin
Ee uunku wada qaawanaa laysna qalanaayey
Qarnigaa kuwii talinayaa qooqan caawana e
 
Qorraxdii dhacdaba noloshu waa qaabad gooniya e
Qufulkii wakhtigu kugu xidhaa qoobka kuu sudhane
Qoys waliba kii uu boqraday qaaqle soo dhuranye
Nin qabyaalad maamuusayoo qolo u heesaaya
Nimankaa qalwada loo goglee qaadhka lagu haysto
Ee kala qoqobayee bulshada qaarba magacsiiyey
Adduunyada horaa loo qubee waa qarsanayaane
Qaabkaad u nooshahay nin kale quudhsay waa hore e
Qanjidhkii bukoodiyo halkay qodaxi naafaysay
Qalliin baaba lagu fiiriyaa qoonta kaa hadhine
Qoqobaha intuu kuu fadhiyo qaybiyaha beeshu
Ee uu qalqaaliga mir kacay Qawdhan talinaayo
Qaxarkaa aduun baa ku jiri qaylo galabeede
 
Qaynuunka aadami dhigtiyo qaab kalaa jira e
 Ninkii qaban karaayaa hor kac qoon iskaashada e
Qoomiyaddu waa wada jirkoo lays qadariyaaye
Marka laysu wada qayshadaa qaro la yeeshaaye
Isma qaban karaan dawladnimo qoliyo reer reere
Hadday kala qalootoo dan guud laysla qaban waayo
Qolo waliba kay dooratiyo Quulle dabaluuddo
Waa quraarad kala daadatiyo qurbyadeediiye
Qarannimo markii lagu fikiray quuste odayaale
Qudhunkiinna huursada illayn kama qashaaftaane
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
FANKA IYO MAANTA
7/20/2010 3:48:51 AM

DADKII LOOGU TALA GALAY IN AY HEESAHA DHEGEYSTAAN AYAA HEESAAYA AYAGU.

Soomaalidu markay wax kasta kala boobtay ayey gaadhay in heesahii iyo codkii lagu yaqaanay heesaaga qaarkood intoo la canjilay ayaa ereyadii, codkii, luuqdii iyo muusigba lagu joogjoogsaday cajalada laysku sawirayna dadka la dhex keenay.  Markii kuwaa heesaaga  isbiday ay ka dhegeysteen dadka qaar bir qalax kasta dhegeystaa kuna doodaan in muusig casri ah lagu tumay ayaa murinkeedi weli taagan yahay. Waxaa jira abbwaanno badan oo heeso cusub haya amma samayn kara laakiin waxaad moodda fannaaniinta yar yar ee hadda soo kacaysa qaarkood in aanay naftooda ku kalsoonayn illaa ay canjilaan kuwii hore waana ayaan darro haysata maanta fanka Soomaalida

ABTIRSIIMADA
7/20/2010 3:46:09 AM

 ABTIRSIIMADU WAA LAF DHABARTA QABYAALADDA.

Abtirsiimadu waa aabbaha qabyaaladda loomana baahna.Dhallinta da'da yar ee qurbaha iyo dalkaba joogta waxaan gaadhsiinayaa in aanay ku dhaqmin qolo qolo, qabyaalad, iyo hayb sooc taas oo ah waxyaalaha ay ka barteen dadka ka waaweyn ee nolosha ku soo ababiyey.Intii qurbe joogtaa way aragtay dad kala diinta ah, kala midabka ah, kala afka ah oo sharciga ay samaysteen ku wada dhaqma ayaga oo aan iskala saarin inkasta oo waddamada qaarkood midab kala sooc qarsoon oo aan sharciga waddanku waafaqsanayn laga dhaqmo taas oo qarsoodi laysu riixo.Qabiilku dadka Soomaalida sheegta inta uu taray iyo inta uu yeelay waxaa badan inta uu yeelay marka laysku qabsado qudh iyo qoon,dhiig iyo dhaqan haddii ay tahay qof aan wax galabsan oo la dilo, hanti layska dhaco,dhul boob oo ah daaq iyo beero,siyaasad iyo madaxnimo lagu hirdamo taas oo keentay in maanta adduunku faraha ka taagey faraca Soomaaliyeed. Qof aan Soomaali ahayni marka uu doono in uu ogaado dhibaatada ummadda Soomaliyeed haysata ee aad u sheegto in ay tahay dhibaatada u weyni qabyaalad madaxa ayaa ku daala. Soomaalida mooyaane maan arag qof inta uu abtirsado sheegaaya afartan (40) qof iyo in ka badan oo ah awowyaashii, Carabta oo dhaqan innoogu dhaw ayaa saddex (3) oo ah magaca qofka, aabbaha iyo awowga ku joogta, waxaanad ogaataa marka la abtirsado ee aad awowyaashaa dib u raacdo mid waliba waxa uu noqonayaa reer amma qabiil taas oo ah in aad kolba reer tahay. Haddii aad abtirsiinta sii waddo Soomaalida intooda badani waxay galaan Carabta (waa laysku hayaa ma Carab baynnu ka nimi mise dad Afrikaan ah ayeynnu nahay) magaca u dambeeya markay joogaanna waxay yidhaahaan awowgaasi "waxa uu ka yimi laba dhaqax dhexdood". Dadka adduunka kor kiisa jooga Aadan iyo Xaawa ayaa dhalay abtirsiintii illaa ayaga gaadhaysa ma haynno, markaas su'aashu waxa weeye , kol haddii aan lahayn illaa Aadan iyo Xaawa abtirsiintii ka dambeysey oo dhan intan la ogyahana tahay inta dhibaatada innoogu wacan, maxaa looga baahan yahay? maahmaah ayaa tidhaa "Nin dhintay kabahiisa ayaa dhaama" . Hadal iyo dhammaan, dhallinyaradu ha ka fogaato waxa dalkeennii dad, daaq, xayawaan iyo xoolaba tirtiray taas oo ay door ka cayaartay qabyaaladda ay wadaan odayaasha iyo inta ku adeegata ee si ay madax u noqdaan, qabiilkooda, cawaawe shisheeye amma diinta ku soo dhuumanaya si ay ummadda u xukumaan isla markaana ubadkoodii dagaalka geliyey halkii ay wax ka baran lahaayeen asaaggooda adduunka kale ku noolla la tartami lahaayeen. 

 

 

MIDGAHA IYO HAYBSOOCA
7/20/2010 3:42:31 AM

MA NEBI AADAN (C.S) BAA MIDGAAN AHAA MISE XAAWA?

Sida la wada socotaan waxa jirta in la qabo in dadku ka yimaaddeen Aadan (C.S) iyo Xaawa oo ay yahiin kuwii inna dhalay oo dadka adduunka soo maray amma ku nooli dhamaan ku arooraan ayaga meella ayey ka wada dhasheen, hadaba waxa lays weydiiyey dadka loo yaqaan MIDGAHA amma GABOOYAHA mar haddii ay dadka adduunka ku nool meel kala yimaaddeen haddii aabbo inna wada dhalay maxaa loo takooray. Sheekada gaaban ee ah bakhti ayey cuneen ma beddeli kartaa aabbaha iyo hooyada, maxaa se loo yidhaa ASALKOODA AYAA XUN.  Hore ayaa loo yidhi "RIYAHA OO QAAWAN BAA IDAA KU QOSLA" , su'aasha oo ah qof aanad waxba dhaamin hooyo iyo aabana idin wada dhaleen waxii loo dhaliilaa waa wax kama jiraan. Dhegeyso gabaygan.

6 items total

HOMEMAQAL GABAYADAHEESAHA KAYDBLOGLINKS
MAHADSANID BOOQASHADA