ABTIRSIIMADU WAA LAF DHABARTA QABYAALADDA.
Abtirsiimadu waa aabbaha qabyaaladda loomana baahna.Dhallinta da'da yar ee qurbaha iyo dalkaba joogta waxaan gaadhsiinayaa in aanay ku dhaqmin qolo qolo, qabyaalad, iyo hayb sooc taas oo ah waxyaalaha ay ka barteen dadka ka waaweyn ee nolosha ku soo ababiyey.Intii qurbe joogtaa way aragtay dad kala diinta ah, kala midabka ah, kala afka ah oo sharciga ay samaysteen ku wada dhaqma ayaga oo aan iskala saarin inkasta oo waddamada qaarkood midab kala sooc qarsoon oo aan sharciga waddanku waafaqsanayn laga dhaqmo taas oo qarsoodi laysu riixo.Qabiilku dadka Soomaalida sheegta inta uu taray iyo inta uu yeelay waxaa badan inta uu yeelay marka laysku qabsado qudh iyo qoon,dhiig iyo dhaqan haddii ay tahay qof aan wax galabsan oo la dilo, hanti layska dhaco,dhul boob oo ah daaq iyo beero,siyaasad iyo madaxnimo lagu hirdamo taas oo keentay in maanta adduunku faraha ka taagey faraca Soomaaliyeed. Qof aan Soomaali ahayni marka uu doono in uu ogaado dhibaatada ummadda Soomaliyeed haysata ee aad u sheegto in ay tahay dhibaatada u weyni qabyaalad madaxa ayaa ku daala. Soomaalida mooyaane maan arag qof inta uu abtirsado sheegaaya afartan (40) qof iyo in ka badan oo ah awowyaashii, Carabta oo dhaqan innoogu dhaw ayaa saddex (3) oo ah magaca qofka, aabbaha iyo awowga ku joogta, waxaanad ogaataa marka la abtirsado ee aad awowyaashaa dib u raacdo mid waliba waxa uu noqonayaa reer amma qabiil taas oo ah in aad kolba reer tahay. Haddii aad abtirsiinta sii waddo Soomaalida intooda badani waxay galaan Carabta (waa laysku hayaa ma Carab baynnu ka nimi mise dad Afrikaan ah ayeynnu nahay) magaca u dambeeya markay joogaanna waxay yidhaahaan awowgaasi "waxa uu ka yimi laba dhaqax dhexdood". Dadka adduunka kor kiisa jooga Aadan iyo Xaawa ayaa dhalay abtirsiintii illaa ayaga gaadhaysa ma haynno, markaas su'aashu waxa weeye , kol haddii aan lahayn illaa Aadan iyo Xaawa abtirsiintii ka dambeysey oo dhan intan la ogyahana tahay inta dhibaatada innoogu wacan, maxaa looga baahan yahay? maahmaah ayaa tidhaa "Nin dhintay kabahiisa ayaa dhaama" . Hadal iyo dhammaan, dhallinyaradu ha ka fogaato waxa dalkeennii dad, daaq, xayawaan iyo xoolaba tirtiray taas oo ay door ka cayaartay qabyaaladda ay wadaan odayaasha iyo inta ku adeegata ee si ay madax u noqdaan, qabiilkooda, cawaawe shisheeye amma diinta ku soo dhuumanaya si ay ummadda u xukumaan isla markaana ubadkoodii dagaalka geliyey halkii ay wax ka baran lahaayeen asaaggooda adduunka kale ku noolla la tartami lahaayeen.
TIXAHAN AYAAN HORE UGA TIRIYEY:
Markii dunida gaar loo dhigee Guulle kor u taagay Gabaahiira waa tii ahayd gebi ahaanteede
Markii Aadan guudkeeda yimi Xaawa laga gooye
Tarankii iswada gaadhayee kala gaboobaayey
Tiro laguma soo guurin karo taniyo goortaase
Guuleed Warfaa iyo haddaad Geydhe marinayso
Guutaale waa laga tegee Carabta gaadhsiiso
Garooc baad ka sheegtee ma tirin guutadii hore e
Ummadii gaboobiyo kuwaa dunida guud jooga
Giddigood walaalaa tihiin gaanka aadmiga e
Gaalkaad sinaydeen ma ogid goobta uu dego
Gubadkii adaa baadhayee guure lagu dhaafe
Abtirsiimadaa kala gurtaan gubasho weeyaane
Giraantaa wakhtiga soo martee dib u geddoomaysa
Soomaalidaa garan taqaan geesta loo wado e
Waxaan hayb u sii gocanayee una god raacaayo
Ee gaamurkii ugu abtirin Guba la soo dhaafye
Gooryaanle ii noqonayaan garan aqoon waayey.
Gabooyaha kuwaa ula baxdeen gacal ma moodaane
Garoon lagama soo qodin kuwaa gees u erideene
Garabrarato weeyaan nimaan guri u oodnayne
Guunyadu dhaqmaad male haddaan geedo loo heline
Gooddiga la daaqiyo markii geliga loo diiday
Waa inuu gantaalaha ridaa mulaca gaadaaye
Golfafaha ma deyn karo nimay gaajo dubataaye
Garanuugta cawshiyo hadduu goodir qalanaayo
Gorayada haddii uu eryado uma garawdaane
Gudimada ninkaa kuu tumee gaabsha timahaaga
Amma garac neef marinayee ganaca aad siiso
Gudis lama amaanine hablaa gudaha jeexaaya
Girgiraha hadduu kuu xidhxidho waanad garanayne
Ima gayo ma guursado haddii laysu wada guuxay
Garaadkiinnu wuu fooraraa garanamaysaane
Gumeysigu kumuu badin waxaad yeeshay gobolkaaye
Adigiyo ninkaa kula gudboon nabarna gaadhsiisay
Gaar midab ah ruuxii leh baa lagu garbeeyaaye
Gabbal lagu tilmaamiyo haddii goobo lagu sheegay
Adiguba galaal baad qabtaa guudka oogada e
Adduunyada haddaad geli lahayd gaanka lagu noolyey
Garab shiilin gawaha la dhamo gol iyo laab raacda
Gasiin adi lagu doorayoo gooni loo kariyey
Gogoshaada may kala wadheen gaari loo diraye
Isna lama guhaadsheen intoo gooni loo diro e
Gommod lagu harraadiyo lafaa lama lguddoonsheene
Gabno looma dhiijeen hashaan godolka qaadayne
Adigaa garaadada xidhee Guulle muu odhane
Garays waxaan u saaree nin kale gun ugu sheegaayo
Amma gob iyo faankeed yahaan garan aqoon waayey
TIXDA 2AAD
Degmadii Hargeysiy illaa Xamar duleedkeeda
Dooxada Sanaag iyo Nugaal Seylac dacalkeeda
Durdurkii Shabeelliyo Illaa webiga daantiisa
Dabay kaa wareegiyo midkay diilalyadu hayso
Degaan qudha markii ay noqdeen diinna wada yeeshay
Dusha midabka diirkii is yahay daayin wada uumay
Dhallinyaro dareenkii qabiil dooca may geline
Dugsiyada kuwaa dhiganayee dani walaalaysay
Dunidiyo waxau baranayaan dawladaa jira e
Dayaxiyo waxay eegayaan dawga loo maraye
Daratoole geelii la dhacay maba daneeyaane
Duqaydii gabawdiyo kuwaa dulinka soo gaadhay
Derbigeeda nimanbaa fadhiya daacadda Ilaahe
Dagaalkii sokeeyaa markii dumarku ooyaayey
Doobkii kacaayaba markay dooxa soconaysey
Ee duleedka laysugu baxee waranku duulaayey
Waa kii dugaaggii hirqaday danabyadeenii
Dubaaxdooda waa kii dhurwaa daanka buuxsadaye
Damqashada xanuunka leh ninkii dib ula tiicaayey
Dakharada kuwii lagu dhuftay doogtu qabataaye
Dadka uma tilmaamaan markay degelka jiifeene
Iyagaa daliilkeeda dhiga derisyo dhaadheere
Duulaanka kama maaraniyo dawshad aan hadhine
Dabshid waxan u haystaa ninkii dilay walaalkiiye
Ummushuba dabkii lagu shidiyo dihashadii foosha
Dorraatiyo wixii daaliyey dib u illawdaaye
Waa Dir iyo Daarood intaan kala dilaalayno
Amma waa Dirkii reer Isaaq deelka marinayno
Daranyadiyo gaajada marnaba kama dawawdaane
Dambarsada waxii hore ayaa dabada haysaane