sida wax iila muuqdaan
sida wax iila muuqdaan

 

 ABTIRSIIMADU WAA LAF DHABARTA QABYAALADDA.

Abtirsiimadu waa aabbaha qabyaaladda loomana baahna.Dhallinta da'da yar ee qurbaha iyo dalkaba joogta waxaan gaadhsiinayaa in aanay ku dhaqmin qolo qolo, qabyaalad, iyo hayb sooc taas oo ah waxyaalaha ay ka barteen dadka ka waaweyn ee nolosha ku soo ababiyey.Intii qurbe joogtaa way aragtay dad kala diinta ah, kala midabka ah, kala afka ah oo sharciga ay samaysteen ku wada dhaqma ayaga oo aan iskala saarin inkasta oo waddamada qaarkood midab kala sooc qarsoon oo aan sharciga waddanku waafaqsanayn laga dhaqmo taas oo qarsoodi laysu riixo.Qabiilku dadka Soomaalida sheegta inta uu taray iyo inta uu yeelay waxaa badan inta uu yeelay marka laysku qabsado qudh iyo qoon,dhiig iyo dhaqan haddii ay tahay qof aan wax galabsan oo la dilo, hanti layska dhaco,dhul boob oo ah daaq iyo beero,siyaasad iyo madaxnimo lagu hirdamo taas oo keentay in maanta adduunku faraha ka taagey faraca Soomaaliyeed. Qof aan Soomaali ahayni marka uu doono in uu ogaado dhibaatada ummadda Soomaliyeed haysata ee aad u sheegto in ay tahay dhibaatada u weyni qabyaalad madaxa ayaa ku daala. Soomaalida mooyaane maan arag qof inta uu abtirsado sheegaaya afartan (40) qof iyo in ka badan oo ah awowyaashii, Carabta oo dhaqan innoogu dhaw ayaa saddex (3) oo ah magaca qofka, aabbaha iyo awowga ku joogta, waxaanad ogaataa marka la abtirsado ee aad awowyaashaa dib u raacdo mid waliba waxa uu noqonayaa reer amma qabiil taas oo ah in aad kolba reer tahay. Haddii aad abtirsiinta sii waddo Soomaalida intooda badani waxay galaan Carabta (waa laysku hayaa ma Carab baynnu ka nimi mise dad Afrikaan ah ayeynnu nahay) magaca u dambeeya markay joogaanna waxay yidhaahaan awowgaasi "waxa uu ka yimi laba dhaqax dhexdood". Dadka adduunka kor kiisa jooga Aadan iyo Xaawa ayaa dhalay abtirsiintii illaa ayaga gaadhaysa ma haynno, markaas su'aashu waxa weeye , kol haddii aan lahayn illaa Aadan iyo Xaawa abtirsiintii ka dambeysey oo dhan intan la ogyahana tahay inta dhibaatada innoogu wacan, maxaa looga baahan yahay? maahmaah ayaa tidhaa "Nin dhintay kabahiisa ayaa dhaama" . Hadal iyo dhammaan, dhallinyaradu ha ka fogaato waxa dalkeennii dad, daaq, xayawaan iyo xoolaba tirtiray taas oo ay door ka cayaartay qabyaaladda ay wadaan odayaasha iyo inta ku adeegata ee si ay madax u noqdaan, qabiilkooda, cawaawe shisheeye amma diinta ku soo dhuumanaya si ay ummadda u xukumaan isla markaana ubadkoodii dagaalka geliyey halkii ay wax ka baran lahaayeen asaaggooda adduunka kale ku noolla la tartami lahaayeen. 

TIXAHAN AYAAN HORE UGA TIRIYEY: 

Markii dunida gaar loo dhigee Guulle kor u taagay  Gabaahiira waa tii ahayd gebi ahaanteede  

Markii Aadan guudkeeda yimi Xaawa laga gooye 

Tarankii iswada gaadhayee kala gaboobaayey 

Tiro laguma soo guurin karo taniyo goortaase 

Guuleed Warfaa iyo haddaad Geydhe marinayso 

Guutaale waa laga tegee Carabta gaadhsiiso 

Garooc baad ka sheegtee ma tirin guutadii hore e 

Ummadii gaboobiyo kuwaa dunida guud jooga 

Giddigood walaalaa tihiin gaanka aadmiga e 

Gaalkaad sinaydeen ma ogid goobta uu dego 

Gubadkii adaa baadhayee guure lagu dhaafe 

Abtirsiimadaa kala gurtaan gubasho weeyaane 

Giraantaa wakhtiga soo martee dib u geddoomaysa 

Soomaalidaa garan taqaan geesta loo wado e 

Waxaan hayb u sii gocanayee una god raacaayo 

Ee gaamurkii ugu abtirin Guba la soo dhaafye

Gooryaanle ii noqonayaan garan aqoon waayey.

Gabooyaha kuwaa ula baxdeen gacal ma moodaane

Garoon lagama soo qodin kuwaa gees u erideene 

Garabrarato weeyaan nimaan guri u oodnayne

Guunyadu dhaqmaad male haddaan geedo loo heline

Gooddiga la daaqiyo markii geliga loo diiday 

Waa inuu gantaalaha ridaa mulaca gaadaaye 

Golfafaha ma deyn karo nimay gaajo dubataaye 

Garanuugta cawshiyo hadduu goodir qalanaayo

Gorayada haddii uu eryado uma garawdaane 

Gudimada ninkaa kuu tumee gaabsha timahaaga 

Amma garac neef marinayee ganaca aad siiso 

Gudis lama amaanine hablaa gudaha jeexaaya

Girgiraha hadduu kuu xidhxidho waanad garanayne

Ima gayo ma guursado haddii laysu wada guuxay 

Garaadkiinnu wuu fooraraa garanamaysaane 

Gumeysigu kumuu badin waxaad yeeshay gobolkaaye 

Adigiyo ninkaa kula gudboon nabarna gaadhsiisay 

Gaar midab ah ruuxii leh baa lagu garbeeyaaye

Gabbal lagu tilmaamiyo haddii goobo lagu sheegay 

Adiguba galaal baad qabtaa guudka oogada e

Adduunyada haddaad geli lahayd gaanka lagu noolyey 

Garab shiilin gawaha la dhamo gol iyo laab raacda

Gasiin adi lagu doorayoo gooni loo kariyey 

Gogoshaada may kala wadheen gaari loo diraye 

Isna lama guhaadsheen intoo gooni loo diro e

Gommod lagu harraadiyo lafaa lama lguddoonsheene 

Gabno looma dhiijeen hashaan godolka qaadayne

Adigaa garaadada xidhee Guulle muu odhane 

Garays waxaan u saaree nin kale gun ugu sheegaayo

Amma gob iyo faankeed yahaan garan aqoon waayey  

TIXDA 2AAD

Degmadii Hargeysiy illaa Xamar duleedkeeda 

Dooxada Sanaag iyo Nugaal Seylac dacalkeeda 

Durdurkii Shabeelliyo Illaa webiga daantiisa 

Dabay kaa wareegiyo midkay diilalyadu hayso 

Degaan qudha markii ay noqdeen diinna wada yeeshay

Dusha midabka diirkii is yahay daayin wada uumay 

Dhallinyaro dareenkii qabiil dooca may geline 

Dugsiyada kuwaa dhiganayee dani walaalaysay

Dunidiyo waxau baranayaan dawladaa jira e

Dayaxiyo waxay eegayaan dawga loo maraye 

Daratoole geelii la dhacay maba daneeyaane 

Duqaydii gabawdiyo kuwaa dulinka soo gaadhay

Derbigeeda nimanbaa fadhiya daacadda Ilaahe

Dagaalkii sokeeyaa markii dumarku ooyaayey

Doobkii kacaayaba markay dooxa soconaysey 

Ee duleedka laysugu baxee waranku duulaayey

Waa kii dugaaggii hirqaday danabyadeenii 

Dubaaxdooda waa kii dhurwaa daanka buuxsadaye 

Damqashada xanuunka leh ninkii dib ula tiicaayey

Dakharada kuwii lagu dhuftay doogtu qabataaye 

Dadka uma tilmaamaan markay degelka jiifeene

Iyagaa daliilkeeda dhiga derisyo dhaadheere 

Duulaanka kama maaraniyo dawshad aan hadhine 

Dabshid waxan u haystaa ninkii dilay walaalkiiye 

Ummushuba dabkii lagu shidiyo dihashadii foosha

Dorraatiyo wixii daaliyey dib u illawdaaye 

Waa Dir iyo Daarood intaan kala dilaalayno 

Amma waa Dirkii reer Isaaq deelka marinayno 

Daranyadiyo gaajada marnaba kama dawawdaane 

Dambarsada waxii hore ayaa dabada haysaane 

 

  

  

SUUGAANTA IYO INTERNETKA: 

Hore u mar kasta oo adduunku gaadhaa khasaare iyo faa’iido labaduba way ka dhashaan, haddaan eegno dhinacada Internetka iyo Suugaanta bal aan eegno sida ay u saamaysay khasaare iyo faa’iidoba. Waxyaalaha Internetku taray suugaanta waxa ka mid ah iyada oo si fudud dadka loo gaadhsiiyo meel kasta oo ay adduunka ka joogaan haddii Internet iyo Kumpuutar la isla helo, xafidaadda amma qoraalka oo ah meel ku fiican in lagu kaydiyo suugaanta sida gabayada amma heesaha, cilmi baadhis oo lagu samayn karo si fudud adiga oo aan meelo kale u socdaalin. Haddaba dhinaca khasaaraha haddii aan eegno, waxa jira in ay ururiyaan suugaanta qolal badan oo shaqo fiican ka qabtay sidii suugaanta Soomaaliyeed ee lumaysa loo ururin lahaa, qolalkaas oo ay la xidhiidhaan abwaanno badan oo gabay ruug ah iyo qaar aan lagu sheegi karin gabyaa laakiin ereyo gabay u eg isku hagaaja oo isu haysta in ay gabay tirinayaan ( cid hoos u dhigimaayo ee waa marka jidka suugaanta runta laga sheegayo) dabeedna soo bandhigaan qolalkaasi ayaga oo aan la kaashan dad suugaanta aqoon u leh. Iyada oo qof kastaa gabyi karo haddii uu hibo u leeyahay amma barto sida loo gabyo waxaa fiican in aanad adduunka u soo bandhigan dareenkaaga adiga oo aan cid la kaashan kula eegta maansadu bal in ay toosan tahay iyo in ay jaban tahay, waayo, ereyada malmaluuqani waa fool xumo magacaaga ka muuqata. Dhinaca kale, beryahan waa ogtiin in qof waliba heesay oo isu qaatay fannaan cod leh lana soo saaraayo cajalado ama heeso dadkii lahaa nool yahiin oo la calaashaday, taas oo aad mooddo maanta in Soomaalidu u wada bugto magac oo ah Fannaan, Gabyaa, Madaxweyne, Suldaan iyo Warsiir taasna lama wada noqon karo. waxa jirta in Soomaalida amma dadka Afrikaanka ahi ay ka siman yahiin in la ammaano dawladda amma madaxda taas oo aan adduunka hore u maray la qabin. Bal dhegeyso suugaantii oo calaacal gabyaysa.

MUURMUURIS

  

MA NEBI AADAN (C.S) BAA MIDGAAN AHAA MISE XAAWA?

Sida la wada socotaan waxa jirta in la qabo in dadku ka yimaaddeen Aadan (C.S) iyo Xaawa oo ay yahiin kuwii inna dhalay oo dadka adduunka soo maray amma ku nooli dhamaan ku arooraan ayaga meella ayey ka wada dhasheen, hadaba waxa lays weydiiyey dadka loo yaqaan MIDGAHA amma GABOOYAHA mar haddii ay dadka adduunka ku nool meel kala yimaaddeen haddii aabbo inna wada dhalay maxaa loo takooray. Sheekada gaaban ee ah bakhti ayey cuneen ma beddeli kartaa aabbaha iyo hooyada, maxaa se loo yidhaa ASALKOODA AYAA XUN.  Hore ayaa loo yidhi "RIYAHA OO QAAWAN BAA IDAA KU QOSLA" , su'aasha oo ah qof aanad waxba dhaamin hooyo iyo aabana idin wada dhaleen waxii loo dhaliilaa waa wax kama jiraan. Dhegeyso gabaygan:

GABBALDAYE

  

DADKII LOOGU TALAGALY IN AY HEESAHA DHEGEYSTAAN AYAA MAANTA QAADA.......................

Soomaalidu markay wax kasta kala boobtay ayey gaadhay in heesahii iyo codkii lagu yaqaanay heesaaga qaarkood intoo la canjilay ayaa ereyadii, codkii, luuqdii iyo muusigba lagu joogjoogsaday cajalada laysku sawirayna dadka la dhex keenay.  Markii kuwaa heesaaga  isbiday ay ka dhegeysteen dadka qaar bir qalax kasta dhegeystaa kuna doodaan in muusig casri ah lagu tumay ayaa murinkeedi weli taagan yahay. Waxaa jira abbwaanno badan oo heeso cusub haya amma samayn kara laakiin waxaad moodda fannaaniinta yar yar ee hadda soo kacaysa qaarkood in aany naftooda ku kalsoonayn illaa ay canjilaan kuwii hore waana ayaan darro haysata maanta fanka Soomaalida.  

  

  

  

  

  

  

WELI WAXAA SOCDA DHISMAHII HADDII ALLA YIDHAA FIKRADAHA AAD QABTAAN HALKAN AYAA LAGU SOO BADNDHIGI.

  

  

© suugaantakayd.com

  

 
SUUGAANTA KAYD M. CABDALLA
SUUGAANTA KAYD M. CABDALLA